Saturday, September 13

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shacabka kula dukaday salaada ciida masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho, ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn shacabka ugu hambalyeeyey munaasabada ciida, isagoo ugu baaqay in dadka xoolaha qashay ay caawiyaan walaalahooda fuqarada ah.

Madaxweynaha ayaa dhiira galiyey dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kuwaas oo uu xusay in ay muddo badan dhibaato ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay arrinta musuqa, isagoo bogaadiyey dadaalada ilaa iyo iminka laga gaaray la dagaallanka musuq maasuqa.

Wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay madaxda dowlada, in ay ilaaliyaan sumcada qaranka isla markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha la xiriira musuqa, si dalka uu u gaaro guullo la taaban karo.

Exit mobile version