Shirka u dhexeeya dowladda iyo madaxdii hore ee dalka ayaa si rasmi ah maanta uga furmay Muqdisho.
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen inta badan madaxdii dalka ayaa looga hadlayaa arrimo masiiri ah, si go’aan wada oggol ah looga gaaro.
Waxaa sidoo kale shirkan lagu lafa gurayaa heshiiskii ay dhawaan gaareen golaha wadatashiga qaran, kaas oo saameynayey arrimaha doorashooyinka dalka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey shirkan, waxaana laga dhursugayaa natiijada ka soo bixin doonta, taas oo la saadaalin karin, maaddaama dhinacyadu ay aad ukala fikir duwan yihiin.