Sunday, September 14

Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxdii dalka soo martay, kuwaas oo yeelanaya kulan ay ku gorfeynayaan heshiiskii gollaha wadatashiga ay dhawaan gaareen.

Madaxda imaaneysa waxa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo Ra’iisul wasaarayaashii hore Cumar Cabdi Rashidii, iyo Cabdi Weli Cali Gaas.

Waxaa Sidoo kale kulankan ka qeyb galaya hoggaamiyayaashii midawga musharaxiinta oo ay ka mid yihin, Xasan Cali Kheyre, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulanka ay yeelanayaan kadib, ayaa lagu wadaa in ay kulan gaar ah la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo u cadeynaya mowqifkooda ku aaddan heshiiskaasi, oo saameynayey arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Exit mobile version