Saturday, September 13

Muqdisho waxaa ku sugan, madaxda Maamul Goboleedyada, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka gollaha wadatshiga oo arbacadii ka furmay Madaxtooyada.

Shirkan ayaa waxyaabaha lagu lafa gurayo waxaa ugu weyn arrinta ku aaddan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo la filayo inuu ka billawdo qeybo ka mid Gobollada dalka.

Sida wararku sheegayaan, Ajendaha shirka, ayaa waxaa qeyb ka noqday khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Puntland, taas oo madaxda qaar ay doonayaan in ay xaliyaan.

Si gaar ah, waxaa arrintan loogu xil saaray Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo ay saaxiib dhaw yihiin Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, waxaana lagu wadaa in toddobaadyada soo socda uu Axmed Madoobe aaddo magaalada Garoowe, si jaalkiisa siyaasadeed uu ugu qanciyo dhameynta khilaafka jira.

Khilaafka Dowladda Fedraalka iyo Puntland, oo in muddo ah qarsoodi ahaa, ayaa waxaa daaha ka qaaday, hadalkii Madaxweynaha ee uu uga soo horjeestay doorashada ka qabsoomeysa Puntland, taas oo uu ku tilmaamay mid aan loo dhameyn.

Ilaa iyo hadda ma cada mowqifka uu hoggaanka Puntland ka qaadan doono isku soo dhaweynta ay wadaan madaxda Maamul Goboleedyada, waxaase laga dhursugayaa halka uu xaalku ku biyo shubto.

Exit mobile version