Friday, September 12

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbalanad Mudane Maxamud Sayid Aadan ayaa gaaray magaalada Luuq Ee Gobolka Gedo iyadoo socdaalkiisa ay ku wehliyeen wasiiro iyo Xildhibano, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka degmada Luuq.

Ujeedka socdaalkooda ayaa ah Nabadaynta dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay degmada Luuq maalmihii u danbeeyay, inta ay ku sugan yihiin luuq waxay la kulmi doonaan maamulka iyo qaybaha kala duwana ee bulshada si xal loogu helo sababtii keentay Dagaalka.

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa jira dagaal xooggan oo ka socda degmada Luuq, halkaas oo ay ku dirirayeen beelo walaalo ah.

Dagaalkaas ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay ku barakaceen dad rayid, waxaana weli taagan xiisada dagaalka.

Exit mobile version