Friday, September 12

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa xilligan waqti badan galinaya ka hadlida howlaha la xiriira wax ka baddelka Dastuurka, kaas oo iminka horyaala labada aqal ee Barlamanka, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad walba oo ay jeedinayaan muujinaya damacooda ku aaddan in la dar dar galiyo Dhameystirka Dastuurka iyo ku boorinaya labada aqal ee Barlamanka Dalka.

Madaxda Xafiiska joogta ayaa caddaadis kala kulmaya Madaxweynayaashii hore sida Farmaajo iyo Shariif, kuwaas oo arrintan aad uga soo horjeeda, isla markaana sheegaya in aan laga tala galin dhamaan dhinacyada, waxaana fekirkooda la qaba Hoggaanka Puntland, Saciid Deni, kaas oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

Lama ogga halka uu ku biyo shuban doono howlaha Dastuurka, kaas oo xildhibaanada qaarkood ay ku kala aragti duwan yihiin, inkastoo weli ay socoto wax ka baddelka qodobada qaar.

In la dhameystiro dastuurka ayaa ahmiyad gaar ah ugu fadhiyo Soomaaliya, balse suurtagalnimada arrintan ayaa waxaa caqabad ku noqon kara dhinacyada ay taladiisu hortaallo kuwaas oo qaarkoodba maanta muujinaya in ay diidan yihiin, sababo la xiriira in aab talada lagu soo darin.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qabyo qoraal ahaa muddo aad u dheer, waxaana Barlamanadii dalka soo maray ay ku guuldareysteen dhameystirkiisa.

Exit mobile version