Sunday, September 14

Madaxda ugu sareysa dalka, oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 63-guuradii ka soo wareegtay markii ay gobollada waqooyi xornimada qaateen, ayaa walaac ka muujiyey xiisadaha ka taagan meelo ka mid ah dalka.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxdii madasha khudbadaha ka jeediyey, ayaa soo hadal qaaday xiisadaha ka taagan dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay bulshada kala irdheynayaan.

Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in xaliyo tabashooyinka jira, isla markaana laga dheeraado wax kasta oo kala fogeyn kara shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aaden Madoobe, oo isna soo hadal qaaday xiisadaha tirada badan ee ka ooggan maamullada qaar, ayaa dhiiga ku daadanaya khilaafyada jira ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

Gudoomiyaha ayaa madaxda sare ee dalka hortooda ka sheegay in ay muhiim tahay in ay door ka qaataan xalinta khilaafyada jira, isagoo dalbaday in xurguftaasi loo saaro guddiyo xal waara ka gaara.

Hadalka madaxda sare ee dalka ayaa ku soo beegmaya xilli inta badan dalka, ay ka taagan yihiin xiisado qaarkood sababay gacan ka hadal, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.

Exit mobile version