Xiisad aad u adag ayaa ka ooggan, magaalada Baraawe oo ah caasimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo ay isku hayaan ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Dagaalka ciidamadan oo ka billawday askari la dilay, ayaa isku rogay mid qabiil, waxaana ka dhashay khasaare aad u fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xiisada ayaa u muuqata mid sii xoogeysaneysa, waxaana shalay xirnaa dhamaan ganacsigii magaalada Baraawe, sababo la xiriira rayidka oo ka cabsanaya in mar kale uu dagaal qarxo.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa halkaasi u diray saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, si ay ukala dhex galaan ciidamada is haya, ee magaca qabiil huwan.
Si dhab ah looma ogga waxa ka soo bixi kara, dadaalada ay wadaan saraakiishan ka tirsan ciidamada, maaddaama ay dagaalka hurinayaan siyaasiyiin ku qabiil ah ciidamada is haya, oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Milatarga Sooomaaliya.
WQ: Ayaanle Qoyste