Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku cataabay in xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta gobolka Tiray ay ka daran tahay midda ka jirta dalka Ukrain. Wuxuu yiri “waxaa laga yaabaa in midabkooda dartiis ay u heli waayeen dadkaasi wax dareen ah”.
Wuxuu sheegay in dadka ku nool gobolka Tigray ee wajahayaan “xaaladda bini’aadanimo ee ugu xun adduunka”, isagoo intaas ku daray in 6 milyan oo qof ay ku go’doonsan yihiin halkaasi oo xitaa aanay heli karin adeegyada aasaasiga ah ee nolosha.
Agaasimaha xaaladaha degdegga ah ee WHO Mike Ryan ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay walaaca yar ee laga qabo abaarta iyo macluusha ka jirta Geeska Afrika.
“Qofna uma eka inuu ka damqanayo waxa ka dhacaya Geeska Afrika,” ayuu yidhi Ryan oo la hadlayay warbaahinta.
WHO ayaa ku baaqday in loo baahan yahay $123.7 milyan si wax looga qabto dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhashay nafaqo-xumada sii kordheysa ee gobolka oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 200 milyan oo qof.
Axmed Dhaqane, Nairobi