Friday, September 12

Madaxa Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay “isbeddelka aan dastuuriga ahayn” ee ka dhacay dalka Burkina Faso ka dib markii saraakiisha militariga ay xukunka ka tuureen hoggaamiyihii milatariga Paul-Henri Sandaogo Damiba.

“Gudoomiyuhu waxa uu ugu baaqayaa militariga in ay si degdeg ah uga waantoobaan wax kasta oo rabshado ama khatar ku ah dadka rayidka ah, xoriyada madaniga ah iyo xuquuqul insaanka,” ayaa lagu yidhi bayaan ay kasoo baxay Midowga Afrika.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Damiba, oo isaga laftiisu xukunka kula wareegay afgambi bishii Janaayo ee ee sanadkan, ayaa lagu dhawaaqay goor dambe oo Jimcihii ah bayaan laga akhriyay telefishinka qaranka.

Saraakiisha afgembiga sameeyay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la xiray xuduudaha, isla markaana la laalay dastuurka dalkaasi iyagoo sidoo kalana kala diray dowladda.

Faki ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay dib u soo cusboonaanshaha qalalaasahan aan dasturiiga aheyn ee kasoo cusboonaaday dalkan ku yaala galbeedka Afrika.

Afgambigan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ka dhaca dalka Burkina Faso, oo ah dal aan bad lahayn oo ay soo food saartay xasillooni darro soo jireen ah tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska 1960-kii.

Qaarada Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka dhacayay afgambiyo is daba joog ah.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version