Monday, September 15

Madaxa maamulka khaatumo State Cabdulqaadir Firdhiye oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Muqdisho ayaa maanta tagay xarunta dhexe ee hay’ada maareynta masiibooyinka, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta hay’adaasi.

Cabduqaadir firdhiye ayaa ka warbixiyey xaaladda bani’aadminimo ee ka jirta magaalada laascaanood iyo waxyeeladii ay sababeen dagaaladii halkaasi ka dhacay, isagoo dalbaday in gargaar lala gaaro dadka SSC

Dhinaca kale gudoomiyaha hay’ada maareynta masiibooyinka soomaaliyeed maxamuud macallin cabdule ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan baahiya bani’aadnimo ee ka jirta deegaanada gobolka Sool.

Madaxa maamulka la magac baxay Khaatumo cabdiqaadir firdhiye ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse cabdi barre isagoo uga warbixiyey xaaladdaha bulsho iyo tan nololeed ee ka jirta gobolka Sool. 

Exit mobile version