Thursday, September 11

Sacadihii la soo dhaafay waxaa Muqdisho yimid, madax ka socota Bankiga Adduunka, kuwaas oo kulamo la qaatay xubno ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Masuuliyiintan ayaa la kulmay wasiiru-owlaha wasaaradda maaaliyadda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Suleymaan Sh Cumar, kuwaas oo ay kala hadleen arrimo kala duwan, oo quseeya maaliyadda Soomaaliya.

Sida warbaahinta dalka shaacisay Wafdigaan ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Dr. Floribert Ngaruko oo ah agaasimaha fulinta xafiiska loo yaqaano (Africa Group 1) oo ay ku mideysan yihiin 22 dal oo Afrika ah, oo ay Soomaaliya ku jirto, ayaa dalka u yimid u kuurgalida hannaanka dhaqaalle ee dalka.

Kulamadan ayaa sida xoguhu sheegayaan horudhac u ah, fursadaha maal-galineed ee Bangiga Adduunka uu ka fulin karo gudaha Soomaaliya. kadib dadaaladi ay dowladdu ka gaarty arrimaha deyntii lagu lahaa mudadda dheer.

Wafdigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ka socda Bankiga Adduunka, kaas oo kulan la qaata wasaarada maaliyadda, tan iyo markii dhawaan Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deynta ahaa ee lagu lahaa.

Exit mobile version