Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa weerar culus ku qaaday, deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud, oo ay isku aruursanayeen kooxda Al Shabaab, si ay weeraro uga soo qaadaan.

Macawiisleyda ayaa weerarkan ku qaaday deegaanka Cinjir, oo u dhow magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay toddobaadyadii ugu danbeeyey ku sugnaayeen Al Shabaab.

Weerarkan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo qaatay saacado badan, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda ayaa warbaahinta u sheegay in goobta lagu dagaallamay ay ka fara maroojiyeen Al Shabaab, kuwaas oo sida ay sheegeen u baxsaday dhulka hawdka ah, waxaana ay xuseen in ay ku daba jiraan.

Mudooyinkii ugu danbeeyey ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa kordhiyey weerarada ay la beegsanayaan kooxda Al Shabaab, waxaa isi soo taraya deegaanada ay Al Shabaab ka saarayaan.

Exit mobile version