Monday, September 15

(Hortabin Media) – Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Dharkenleey ee Magaalada Muqdisho ku dilay Macallin Dugsi Qur’aan, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Shariif Xuseen.

Kooxdii Dilka geysatay oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsatay dilka kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwo maamulka degmada Dharkeenleey ayaa goobta uu falku ka dhacay ka billaabay baaritaano ay ku xaqiijinayaan amniga, wallow aan weli la soo qaban kuwii ka danbeeyey falkan.

Dilka macallinka ayaa qeyb ka noqonaya amni darada ku soo kordheysa Magaalada Muqdisho.

Exit mobile version