Saturday, September 13

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & Dib u heshiisinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqday in la kala diray Maamulka Degmada Xudur iyo xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmadaas.

Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu go’aankaan u cuksaday (law no.10) qodobkiisa 15aad farqadiisa (1aad) xarafka (T) iyo farqadiisa (2aad).

Wasiir Cabdullaahi ayaa sheegay in go’aankaan uu yimid kaddib markii uu ku sifoobay “wadashaqeyn la’aan Maamulka Gabolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur” sidaas awgeed laga billaabo shalay uu kala diray sida uu hadalka u dhigay.

Intaas kaddib, Xubnaha la kala diray oo Warbaahinta la hadlay ayaa kahor yimid tallaabadaas, waxa ay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ku eedeeyeen in uu khatar ku yahay nabadgalyada ka jirta Degmada Xudur.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ku-xigeenka Koowaad Cali Xuseen Xasan, iyo ku-xigeenka Labaad Raxmo Nuur Adan oo ay wehliyaan xubnaha Golaha Deegaanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka kala dirista ah.

Xaaladda Siyaasadeed ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa jahwareer gashay muddooyinkii u dambeeyay, waxaa sii kordhiyay isku dhacyada Siyaasadda, Beelaha iyo Mas’uuliyiinta xilalka heysa dhexdooda.

Exit mobile version