Sunday, September 14

Waxgaradka iyo masuuliyiinta maamulka SSC Khaatumo, ayaa fariin cad u diray maamulka Puntland, iyagoo uga digay in faragelin ku sameeyaan deegaanada SSC.

SSC ayaa Puntland usoo jeedisay in aanay kuraas siinin dad ka soo jeeda SSC khaatumo, Maddaama Khaatumo uu yeeshay maamul gaar ah.

Waxey Waxgaradka iyo Masuuliyiinta SSC Khaatumo sheegeen in dadka Khaatumo uu ku filan yahay maamulkooda, iyagoo xusay in aanay aqbali karin in meel kale laga matalo dhulkooda.

Waxgaradka ayaa sheegay in dhismaha Khaatumo uu ku daatay dhiig fara badan, isla markaana intii ay colaadu socotay ay geeriyoodeen dad ka badan 700 boqol oo qof, wuxuna intaasi ku daray in wuxuu ka diiday Somaliland aanu ka aqbaleynin Puntland.

Puntland ayaa sanado badan, sheeganeysay dhulka Khaatumo, iyagoo inta badan siyaasiyiinta khaatumo siiya xilal kala duwan, si ay u matalaan deegaanadooda.

Exit mobile version