Thursday, September 11

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera Maxamed Khaliif ayaa walaac ka muujiyay ciidamada katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee jooga Magaaladaas kuwaas oo isaga soo baxay Magaalada Baladxaawo oo dagaal uga qabsadeen ciidanka Dowladda Federaalka.

Maxamed Khaliif ayaa sheegay in joogitaanka Ciidanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee Mandheera ay halis ku tahay nolosha Dadka Ismaamulkaas, waxa uu soo jeediyay in si degdeg ah loo raro ciidamadaas sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu walaac ka muujiyay rabshadaha kusii kordhaya Ismaamulka Mandheera ee dhinaca amniga taabanaya, sii socoshada arrintaan ayuu ku xiray in ay ka faa’iideysan karaan ‘AS’ oo kasoo gudbi kara dhinaca Xuduudda sida uu yiri.

“Joogitaanka Ciidanka Jubbaland ee Mandheera ma ahan mid la aqbali karo, waxa ay halis ku yihiin Nolosha Dadkeenna, tani waa mid saamayneysa qaranka oo dhan” Guddoomiyaha Mandheera, Maxamed Khaliif.

Walaaca Guddoomiyaha Mandheera uu muujinayo waxaa sii xoojiyay siyaasiyiin uu kamid yahay Sanatarkii hore ee Mandheera Billow Kerrow, Xukuumadda Nairbi ayuu ku eedeeyay in ay qayb ka tahay dhibaatooyinka amni darro maadaama ay isbahaysi la tahay Jubbaland.

Exit mobile version