Maalmihii ugu danbeeyey dowladda Soomaaliya ayaa bur burineysay guryaha iyo mehradaha ganacsi ee laga dhisay xaruntii safaarada talyaaniga ee Kaasa Italia.
Maamulka ayaa sheegay in dhulkan ay leedahay dowladda Talyaaniga, isla markaana ay dalbadeen in loo baneeyo, si safaaradooda ay usoo degto.
Wuxuu maamulka wareegtada ka soo baxday ku shaaciyey, in codsi uu uga yimid dowladda Talyaaniga, taas oo uu sabab uga dhigay bur burinta iyo barakicinta lagu hayo dadka iminka halkaasi ku nool.
Wareegtada maamulka gobolka ayaa lagu xusay, in dhulkaas aanay isticmaali doonin cid aan Talyaaniga ahayn, maaddaama ay barisamaadkii iibsadeen, wuxuuna maamulku been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Madaxda dalka ay doonayaan dhulkaas, oo ay iyagu dadka ka eryanayaan.
Baraha bulshada waxaa labadii casho ee la soo dhaafay buux dhaafiyey qaar ka mid ah dadkii laga bur buriyey guryihiin iyo mehradihii ganacsi ee ay ku lahaayeen Kaasa Italia, waxaanay badankoo ay dhaleeceyn dusha uga tuurayeen madaxda sare ee dalka.