Monday, September 15

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar culus dul-dhigay dadka degan xaruntii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku taalla degmada Boondheere, gaar ahaan agagaarka taallada Daljirka Daahsoon.

Af-hayeenka maamulka gobolka  Banaadir Saalax Xasan Cumar oo  warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dadka degan Dhismihii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha la amray in ay uga guuraan halkaas muddo 7 cisho ah.

Af-hayeenka ayaa sheegay in qoysaska ku nool halkaasna  uu ka dhamaaday waqtigii horay loogu qabtay  in ay uga guuraan xaruntii hore ee wasaarada Arimaha Gudaha oo ahayd muddo laba bilood ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hore si qasab ah uga kiciyay dad badan shacab ah Dhismayaal ay muddo badan daganaayeen, kuwaas oo ay dowladdu u baahatay si howlaheeda ay ugu qabsato.

Exit mobile version