Sunday, September 14

Munaasbad maanta lagu qabtay Muqdisho, ayaa lagu shaaciyey natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2022-2023.

Imtixaanka oo markiisii afaraad ay qaadayaan maamulka gobolka Banaadir, ayaa waxaa u fariistay arday gaareysa 31,372 kuwaas oo ka kala socday 76 xarumood iyo 1,592 fasal oo ka mid ah kuwa caasimada ku yaalla.

Munaasabada ayaa laga sheegay in sanadkan ay gudbeen arday dhan 30,837 Arday, halka tirada hartay ay gaareyso 535 Arday, waxaana madasha magacyadooda laga sheegay 10-kii arday ee ugu dhibcaha sareeyey ardaydii u fadhiisatay imtixaanka.

Ardaydan oo iskuullo kala duwan ka socda, ayey magacyadoodu kala yihiinYacquub Maxamed Cadde Maxamed, Maxamed Cusmaan Cabdi Macow, Amal Cabduqaadir Maxamuud Kaahiye, Axmed Maxamed Calasow, Ayuub Cabdiweli Cumar Nuur, Xafsa Bashiir Maxamuud Maxamed, Cali Cumar Cali Faqay, Mustaf Salaad Cabdulle Xuseen, Abuukar Maxamed Faarax Cali, Asma Xasan Aadan Diiriye, Maxamed Cumar Cabdi Xuseen, Sundus Cabdiweli Nuur Cusmaan.

Duqa Caasimada oo goobjoog ka ahaa madasha lagu shaacinayey natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ayaa u hambalyeeyey dhamaan ardaydii gudubtay, isagoo kuwa harayna kula dardaarmay in aysan is dhigan oo ay muujiyaan dadaal.

Gudoomiye Madaalle ayaa si cad u sheegay in la tayeeyey waxbarashada gobolka Banaadir, wuxuuna digniin u diray dadka hab ganacsi ahaan u furanaya xarumaha waxbarashada.

Exit mobile version