Sunday, September 14

Xilli mudooyinkaan ay soo kordhayaan weerarada Burcad badeeda, ayaa waxaa fariin culus oo digniin ah diray maamulka degmada Eyl,  oo ka mid ah meelaha ay burcad badeedu maraakiibta ka qafaalato.

Eyl oo leh xeeb aad u dheer, waxa ay 10-kii sano ee la soo dhaafay ku caanbaxday weerarada ay halkaasi ka qaadayeen burcad badeeda Soomaalida, oo waqtigan mar kale xoojiyey weerarada ay ku qafaalanayaan maraakiibta.

Maamulka Eyl oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin u diray Burcad badeeda, wuxuuna ka digay in ay burcad badeedu isku deydo in ay weeraro ka qaado xeebta Eyl, ama dhanka kale ay la yimaadaan maraakiib ay soo qafaasheen.

Wuxuu sheegay Maamulku inuu si buuxda uga howl galayo xeebta degmadaasi, wuxuuna xusay inuu sharciga la tiigsan doono cid kasta oo ku lug yeelata falal la xiriira burcad badeednimo.

Xilligan waxaa kordhay weerarada ay burcad badeedu ku qaadayaan maraakiibta isticmaaleysa xeebaha Soomaaliya, waxaana arrintan loo sababeynayaa dhaqaalle xumo dalka ka jirta iyo abaaraha soo noq noqday, oo kalluumeysatada u diiday in ay soo jilaabtaan kalluunka, maaddaama aysan heysan qalab awood usiinaya in ay bad weynta ka soo kalluumeystaan.

Exit mobile version