Saturday, September 13

Maamulka Degmada Ruun-nirgood ayaa wal wal ballaaran ka muujinaya dad rayid ah oo lagu afduubtay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 30-ruux

Maamulka ayaa sheegay in dadkan ay afduubteen xubno ka tirsan Al Shabaab, waxeyna ku sugnaayeen Deegaanka Daaru Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Lama ogga ilaa iyo iminka halka dadkaasi la geeyey, waxeyna isugu jireen Odayaal, Haween iyo Caruur.

Dadkan ayaa ahaa kuwo, xoolo dhaqato ah lamana ogga sababaha rasmiga ah ee ka danbeysa afduubka loo geystay.

Maamulka Degmada ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in xoogga saarto sidii dadkaasi rayidka ah looga soo furan lahaa Al Shabaab, oo la aaminsan yahay in ay u geysanayaan dhibaatooyin kala duwan.

Exit mobile version