Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga xusay maalinta Sonkorowga Adduunka, taas oo sanad walba maanta oo kale caalamka laga xuso.
Xuskan ayey ujeedadiisu tahay in dadka xanuunkan la nool lala dareemo dhibaatada ay wajahayaan, isla markaana sare loo qaado wacyi galinta loo sameynayo bulshada, sida uu Warbaahinta u sheegay Agaasimaha Caafimaadka Isbitalka Aaden Cadde Dr Maxamuud Saahid Maxamuud.
Dr Maxamuud Saahid Maxamuud oo ku takhasusay xanuunka Sonkorta ayaa sheegay in maanta oo kale ay sameeyaan baaritaano lacag la’aan ah, si kuwo aan xaaladooda ka warqabin u muujiyaan taxadar.
Dr Maxamuud Saahid ayaa hoosta ka xariiqay in xanuunka Sonkorta uu u kala baxo labo qeybood, kuwaas oo mid ka mid ah asiiba caruurta, wuxuuna soo jeediyey in xanuunkan la iska baaro, si qofka uu u helo dawo.
Agaasimaha Caafimaadka isbitalka Aaden Cadde Dr Maxamuud Saahid Maxamuud, oo ah qabiir caafimaad in badana la tacaalayey bukaanada uu haleelay xanuunka Sonkorta, ayaa kula taliyey dadka xanuunka qaba in qaataan cunooyin dheeli-tiran, iyagoo raacaya tilmaamaha dhaqaatiirtooda.
Dr. Saahid wuxu sidoo kale ku baaqay in dadka xanuunka qaba ay sameeyaan jimicsi, iyagoo si joogta ah u qaadanaya dawooyinka loo qoray, taas oo yareyneysa halistii uu xanuunku u geysan lahaa.