(Hortabin Media) – Maalintii shalay ahayd waxaa Muqdisho laga xusay maalinta caalamiga ee gabdhaha adduunka, iyadoo munaasabad ballaaran lagu qabtay Muqdisho.
Masuuliyiintii ka soo qeyb gashay munaasabada ayaa ka warbixiyey guulaha ay gaareen gabdhaha Soomaaliyeed iyo caqabadaha ku gadaaman.
Waxaa madasha laga sheegay in ay kordheen tirada gabdhaha iskuulada aadaya oo markii hore ahaa tiro kooban, waxaase la xusay inuu jiro guurka lagu qasbo gabdhaha yar yar.
Sidoo kale waxaa laga dhawaajiyey in gabdhaha Soomaaliyeed ay weli la kulmayaan gudniinka fircooniga ah, kaas oo sida la xusay ku danbeeya deegaanada miyiga ah.
Munaasabada intii ay socotay ayaa laga sheegay halista amni darada dalka ay u keeni karto hablaha, kuwaas oo qaarkood la kulma kufsi iyo tacadiyo kala duwan, oo uurkutaalo ku noqda inta ay nool yihiin.