Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2024 ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waa “Waa Waqtiga wax kaqabashada Cudurka Cagaarshawga” “It is Time for Action”.
Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.
Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).
Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan, wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.
Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.
Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiisa galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.
Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).
Cagarshowga Fayrus B iyo C
Guud ahaan Fayruska Cagaarshowga kuwa ugu qatarsan waa nooca B iyo nooca C. Waxaana la sheegay in 304 milyan oo qof ay qabaan ama la nool yihiin caabuqa cagaarshowga isagoo nooca raagista yeesha ah (Chronic Hepatitis). Sanadkii waxaa u dhinta 1.3 million isku jirkooda. Saddex kun iyo shan boqol (3,500) oo qof ayaa u dhinta maalin kasta labadoodaba, iyadoo 30kii il-biriqsiba hal qof u dhinto caabuqaan cagaarshowga, halka 6500 qof oo cusub uu ku dhaco maalintiiba caabuqa cagaarshowga B iyo C, taasoo ah in daqiiqaddiiba in ka badan 5 qof uu ku dhaco cudurkaas. Waxaa kaloo la shaeegay in 4tii qofood, 1 qof ka mid ah uu qabo cudurka cagaarshiowga HBV. 5tii qofna 1 qof kaliya ayaa hela daawo ku habon. Halka HCV sidoo kale 2dii qofba, 1 qof ayaa la nool HCV.6dii qofna, 1 qof ayaa ka bogsada HCV. Waxaa kaloo baaritaan lagu helay in 13% dadka qaba cudurka HBV nooca raagista yeesha (Chronic HBV). % 36 waxaa la la ogaaday iney la nool yihiin HCV (Chronic HCV).
Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)
Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqdo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah (Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 254 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.
Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo if-baxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis (Chronic infection).