Sunday, September 14

Go’aanka wuxuu ahaa mid aad loogu farxo, wuxuuna ku soo aaday xilli wanaagsan oo ay Soomaaliya dagaal kula jirta Al Shabaab.

Go’aankan ayaa oggolaanaya in Soomaaliya ay soo iibsato hub tayo leh, kaa oo suura gelin kara in guul ay ka gaarto dagaalka Al Shabaab.

Sida qorshuhu yahay dowladda ayaa la filayaan in ay soo iibsato diyaarado dagaal iyo taangiyo qeyb ka qaata dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al Shabaab ayaa si rasmi ah uga billaaban doona guud ahaan dalka, wuxuuna ku soo aaddayaa xilli Soomaaliya laga qaaday Cuno-qabateyntii hubka ee saarneyd mudada dheer.

Si kastaba tan iyo 1991 Soomaaliya ayey saarneyd Cuno-qabateyn dhanka hubka ah, sababo la xiriira dagaalladii ahliga ahaa ee dalka ka socday.

Exit mobile version