Saturday, September 13

Nabadoon Abaabul oo ah Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho ayaa ka hadlay taageerada uu Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed u muujiyey Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya, isagoo arrintaasi ku sifeeyey mid uu Lafta-gareen dano gaar ah ka leeyahay.

Nabadoon Abaabul oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in Lafta-Gareen uu waqtigan door bidayo Itoobiya halkii uu ka qaban lahaa doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo iminka waqtigeedii la joogo.

Nabadoon Abaabul ayaa nasiib darro ku tilmaamay taageerada uu Lafta-Gareen u muujiyey ciidamada Itoobiya iyo abaabulida dibadbaxyada ay bulshada deegaanadaasi ku taageerayaan Itoobiya.

Nabadoonka ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Lafta-Gareen uu deegaanada Koonfur Galbeed u diido qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaridka ku ah xukunkiisa ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed, taa baddelkeedana uu soo dhaweysto Itoobiya, oo Qaranimada Soomaaliya ku xadgudubtay.

Nabadoonka ayaa ugu danbeyntii arrin aad u xun ku micnaayey in Lafta-Gareen uu waqtigan ka shaqeeyo sidii uu colaad uga dhex abuuri lahaa Qabiilada wada dega Koonfur Galbeed, xilli uu ku guuldareystay dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab ee uu Iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Exit mobile version