Friday, September 12

Madaxweynaha Maaamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay in Maamulkaasi uu dhawaan billaabi doono wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab

Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka sheegay kulan looga hadlayey amniga degaanada Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ay ka soo qeyb galeen hay’adaha amniga u qaabilsan Maamulkaasi.

Lafta-gareen ayaa inta uu kulanka socday, hay’adaha amniga Maamulkaas kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada shaqeyntooda, isla markaana ay u diyaar garoobaan dagaalka Al Shabaab looga soo horjeedo

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin Al Shabaab, waxaana inta badan ay ka geystaan weeraro isugu jira dilal iyo qaraxyo, taas oo walaac ku abuurta bulshada degaanadaasi ku nool.

Lama saadaalin karo, sida ay Koonfur Galbeed u wajihi doonto wajiga labaad ee dagaalka iyo waqtiga uu qaadan doono, balse waxaa laga naawilayaa in ay kaalin muuqata ka ciyaaraan wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab looga xoreynayo dalka.

Exit mobile version