Tuesday, September 16

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa wajahaya caddaadis adag oo kaga imaanaya mucaaridka maamulkaasi.

Mucaaridka oo ah siyaasiyiin u hanqal taagaya kursiga uu ku fadhiyo Lafta-gareen ayaa ku eedeeyey arrimo kala duwan, kuwaas oo curyaamiyey maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta ayaa sheegay inuu ka meer meerayo qabashada doorasho xalaal ah oo la dhacda Koonfur Galbeed, wuxuuna taa baddelkeeda doonayaa sida ay sheegeen muddo kororsi.

Waxey sidoo kale ku dhaleeceeyeen inuu ka gaabiyey dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dalka, maadaama la filayey in Koonfur Galbeed uu ka billawdo wajiga labaad ee dagaalkaasi.

Si kastaba Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay saameynta culus ku leeyihiin Al Shabaab, iyagoo gacanta ku haya deegaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulkaasi.

Exit mobile version