Saturday, September 13

Saacadihii ugu danbeeyey madaafiic aad u xooggan ayey is weydaarsadeen Milatariga Somaliland iyo Xoggaga SSC ee ku sugan duleedka Laascaanood.

Weeraradan madaafiicda ah ayaa yimid, xilli ciidamada Somaliland ay howlgal ka sameynayeen aagga Goojacade, waxaana intaasi wixii ka danbeeyey ay labada dhinac isku weerareen madaafiic xooggan.

Madaafiicda qaarkod oo ku soo dhacay magaalada Laascaanood ayaa geystay khasaare kala duwan, wallow aan tiro sugan la heynin.

Dagaalka Laascaanood ee bilawday 6-dii bishii February, ayaa weli u muuqda, mid ka sii daraya, mana jirto cid isku howshay in ay dagaalkaasi qaboojiso.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa diray baaq u ku aaddan in xiisada lagu xaliyo wada hadal, balse labada dhinac ayaa baaqaasi ka fureystay dhagaha.

Exit mobile version