Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Muddo 7 Bilood ka badan oo ay Laascaanood wajaheysay daruufo hubanti la’aaneyd, isla markaana Cadceedu usoo baxeysay dadkeeda oo ilmeynaya, , waxey maanta  u muuqdaan kuwo ka meyranaya waayihii adkaa ee ay ka dhaxleen meel marinta mowqifkooda siyaasadeed, kadib go’aankii ka soo baxay dowladda dhexe ee Soomaaliya 19-kii bishii October kaas oo Khaatumo loogu aqoonsaday Maamul KMG

Mudadaasi, 7 bilood iyo dheeraadka ah Laascaanood waxey ahayd mid haawaneysa, waxaana is taagay dhaq dhaqaaq walba oo nololeed oo halkaasi ka jiray, maaddaama magaalada dadkeedu badankood ay barakeen, iyagoo miciin biday deegaano ka fog Laascaanood.

Balse Kacdoonkii ay billaabeen Bishii February ee sanadkan oo qaatay waqti badan, dhiig badanina uu ku daatay, wuxuu ahaa mid ay dadka reer Laascaanood ku muujiyeen naf hurnimo, waxaana qadiyadooda ka mid noqoshada maamullada xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya, ay soo iftiintay, 25-kii bishii August oo ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigeen aagga Goojacadde oo ahaa saldhigii ugu weynaa ee ay millatariga Somaliland ku sugnaayeen.

Qabsashada Goojacadde iyo fariisimo kale, waxey kor u qaaday hankii dadka reer Laascaanood, waxeyna niyad jab xooggan ku noqotay Somaliland, oo in ka badan 20 sano ka arrimineysa magaaladaasi.

Guuldarada Somaliland ka soo gaartay Goojacadde iyo dagaalkii Laascaanood, ee mudada dheer socday, ayaa geesta kale god dheer ku riday, rajadii  ay Somaliland gucla oradka ugu jirtay 30-ka sano ee ku qotontay in loo aqoonsado dowladd madax-bannaan oo ka mid ah kuwa geeska Afrika ku yaalla, waxaana arrintaasi dhaawac gaarsiisay eedeymo loo jeediyey milatariga Somaliland, kuwaa oo lagu eedeeyey in ay tacadiyo ka dhan ah bani’aadmnimada ka geysteen Laascaanood mudadii uu dagaalka socday.

Dagaalkii Goojacadde oo ahaa mid khasaare badani uu ka dhashay, ayaa Somaliland looga qabsaday, gawaari dagaal, hub iyo  Maxaabiis fara badan, waxeyna noqotay dhabar jab ku yimid qorshahoodii dagaalka
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay guul daradii Goojacadde kadib, ayaa wacad ku maray in ay aargudanayaan, kuna laabanayaan goobihii laga fara maroojiyey

Iminka Xiisad hor leh ayaa mar kale ka soo cusboonaatay deegaanka Oog oo fariisin u ahayd Somaliland tan iyo markii laga saaray Goojacade, Waxaana guuldaradii Somaliland soo gaartay ay qasabtay in ay dib abaabul iyo qalabeyn ugu sameeyaan ciidankooda, kuwaas oo maanta quudareynaya in ay mar kale ka arrimiyaan Magaalada Laascaanood, xilli loo sameeyey maamul hoostaga dowladda dhexe ee Sooomaaliya.

Bulshada Laascaanood qudhooda, oo ay hor boodayaan Salaadiintooda iyo maamulka ay yagleesheen, ee SSC Khaatumo ayaa u muuqda in ay ka go’an tahay iska caabinta weerar kasta oo kaga yimaada Somaliland, waxeyna gudaha Laascaanood ka taageen calanka maamulkooda dhawaan galka ah, iyo taallo ay ku xasuusanyaan dadkii ay ku waayeen kacdoonkii ay Somaliland ku diidanaayeen.

Si Kastaba Walaac xooggan ayaa laga muujinayaa xaaladda ka taagan duleedka gobolka Sool, gaar ahaa deegaanka Oog, halkaas oo ay dhinacyadu isku horfadhiyaan, waxaana baqdin xooggan laga qabaa in ay dib u barakacaan dadka reer Laascaanood oo dhawaan guryahooda ku soo laabtay muddo badan kadib.

Exit mobile version