Saturday, September 13

Milatariga Somaliland iyo xoggaga SSC, ayaa maalintii labaad isku adeegsanaya madaafiic aad u xooggan, xilli xiisadu ka sii dareyso maalinba maalinta ka danbeysa.

Lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen weeraradan madaafiicda ah, ee ay is weydaarsanayaan labada dhinac, sababo la xiriira aagga oo furin dagaal ah.

Gollaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa shalay ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, isla markaana dhinacyadu ay wada fariistaan, balse sida muuqata arrintaasi weli ma hirgalin.

Dhinaca Waxgaradka SSC, ayaa iyagu soo dhaweeyey baaqa Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay, inkastoo ilaa maanta ay xaaladu sii cuslaaneyso.

Dagaalka Laascaanood ayaa soconaya in ka badan 5- bilood, waxeyna dhinacyadu u muuqdaan kuwa ka dhaga adeegaya baaqyada kala duwan ee ka soo baxaya Soomaalida iyo caalamka.

Exit mobile version