Sunday, September 14

Maamulka Somaliland ayaa duqeymo culus ka fuliyey Magaalada Laascaanood, halkaas oo ay ka socotay xaflad lagu maamuusayo 63-guuradii ka soo wareegtay midawga gobolada waqooyi iyo koonfur, ahna markii koonfurta Soomaaliya ay ka xorowday gumeystihii Talyaaniga.

Madasha xaflada iyo agagaarkeedaba waxaa ku soo dhacay madaafiic ka badan 10, kuwaas oo khasaare kala duwan geystay, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

Weli dhinacyadu waxey isku hor fadhiyaan, duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga loo yaqaan Goojacadde, halkaas oo wax ka badan lix bilood uu dagaal ka socdo.

Dadkii Laascaanood ka barakacay ayaa weli wajahaya xaalad adag oo nololeed, mana jirto cid gaarsiisay gurmad ku filan.

Dhinacyada ayaa diiday in ay joojiyaan xabada, isla markaana ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka, waxaana dhinacba uu dhanka kale ku eedeynayaa hurinta dagaalka socda.

Exit mobile version