Thursday, September 11

Taliyaha Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS Dhamme Ahmed Sheikh Abdi Raxmaan ( Ahmed Dheere ) Ayaa kulan la qaatay ciidamada ku sugan deegaanka Goof-guduud Buurey ee gobolka Bay.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dardargelinta howlgalada ka dhanka ah khawaarijta, iyadoo dhawaan deegaankaas khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarij oo isku dayday in ay soo weeraraan deegaanka.

Taliyaha guutada 8-aad ayaa ku booriyay ciidamada in ay foojignaadaan, islamarkaana shacabka ay ka dulqaadaan cadowga Khawaarijta.

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa socday howlgallo ballaaran oo ay ciidamada dowladda ka wadeen gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsanyey fariisimaha kooxda Al Shabaab ee deeganadaas.

Exit mobile version