Saturday, September 13

Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana fadhiga gollaha la hor-keenay hinidise sharciyeedka qaxootiga iyo magangalyo doonka.

Gollaha ayaa hinidisahaasii su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, kaas oo ay wasaaradiisu soo gudbisay hindise sharciyeedkan.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka ay ku sugan yihiin 40-kun oo qaxooti, kuwaas oo u baahan in ay helaan xaquuqaadka aas aasiga ee qaxootinimo.

Xildhibaanada qaarkood ayaa gollaha ka dalbaday in aan la daahin ansixitan sharciga qaxootiga, maddaama ay qaxootigu wajahayaan dayac aad u ballaaran.

Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan qaxooti ka soo kala jeeda dalalka Yamen, Siiriya, Oromo iyo Zinsibaar, kuwaas oo wajahay xaalad adag, waxaana qaarkood ay ka dawarsadaan wadooyinka caasimada.

Qaxootigan oo qaarkood abuurtay fursado shaqo, ayaa ka cabanaya amni darro, waxaana ansixinta sharcigan uu ka caawinayaa hab nololeedkooda, oo uu iminka shaki badan dul hogonayo. 

Exit mobile version