Saturday, September 13

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa Maanta yeeshay, kalfadhiga 4aad kulankiisa 4aad Waxaana Goobjoog ahaa Xubnaha Guddiga.

kulanka waxaa shir Gudoominaysay. Guddoomiyaha Guddiga Xil.Nadra Saalax Cabdi.oo ay wehlinayeen, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane,Yusuf Mohamed Adan iyo Xoghayaha Guddiga Xil.Maxamed Cabdiraxmaan Naddiif.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa siiwadida Ka doodista iyo Turxaan bixinta Sharciga Shaqada iyo Diyaarinta Warbixinta Akhrinta 2aad

Intaa kadib, waxaa la guda galay, ka doodista iyo turxaan bixinta Sharciga Shaqada waxaana maanta la aqriyay Qodobada 87 ilaa 174 ee Sharciga Shaqada Xildhibaanada Guddiga, ayaa dood dheer iyo gorfeyn ka yeeshay, wax-ka-bedel  qodobada qaar, ayagoona waafajiyay, Dastuurka KMG ah ee Dalka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Ugu dambeyn Xil.Gudoomiye Nadra ayaa umahadcelisay Xubnaha Guddiga iyada oo sheegtay in ay sii wadi doonaan maalmaha ka dhiman ka shaqeynta Sharcigaan.

Exit mobile version