Friday, September 12

Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shirkoodii toddobaadlaha ahaa kaas oo looga hadlay arrimo badan oo muhiim ah.

Kulankan oo uu shir gudoominayey RW Xamse Cabdi Barre ayaa lagu Ansixiyey ansixiyey heshiiska Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiiskam Iskaashi ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ah mid lagu sameynay dib u cusbooneysiin, waxaana qeyb ka ah in la fududeeyo isku socoda muwaadiniinta u dhashay labada dal

Kulanka waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay guddiga loo xil saaray soo celinta muwaadininta ku xaniban dalka Sudan oo ay dhawaan ka billawdeen dagaallo waxaana la sheegay in lagu guuleystay soo celibta muwaadiin Soomaaliyeed oo gaaraya 1198, kuwaas oo u badan arday wax ka baraneysay Sudan

Intii uu kulanku socday ayaa la soo dhaweeyey, tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaas oo ka yar dhaqaalihii sanadihii hore ay xajka ku tagi jireen dadka Soomaaliyeed.

Kulanka ay galabta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyntii lagu soo hadal qaaday, in ay 70%  (Boqolkiiba Todobaatan) ay hoos u dhaceen weeraradii ka iman jiray Al Shabaab, sababo la xiriira caddaadiska adag ee la saaray.

Arrin boggaadin mudan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay, in la xasiliyo Caasimada Muqdisho, oo ciidamo gaar ah amnigeeda lagu wareejiyey, taas oo sida Goluhu sheegeen saamaxday in bishii Ramadaan iyo maalmihii Ciida aanay dhicin wax nabad galyada carqalad ku ah.

Exit mobile version