Labada masuul ayaa ka wada arrinsaday arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda deegaanada SSC Khaatumo, kadib dagaaladii ka dhacay, iyo sida looga shaqeyn karo nabada deegaanadaasi.
Kulankan ayaa u muuqda mid utun weyn ku noqday Somaliland, oo dhawaan Jabuuti ku eedeysay in ay dalkeeda laga abaabulayo jabhado hubeysan oo doonaya in ay bur buriyaan Somaliland.
Hadalkan oo uu Muuse Biixi sheegay ayaa waxaa beeniyey Jabuuti, hase ahaatee kulanka Firdhiye iyo Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Somaliland uga dhigan inuu rasmi yahay tuhunkii ay Jabuuti ka muujineysay.
Firdhiye oo Madaxweyne ay dadka reer SSC uga dhigeen Maaamulka Khaatumo ayaa taageero u raadinaya maamulka oo mid KMG ah ay u aqoonsatay dowladda Soomaaliya.
Somaliland ayaanan geesta kale iyaduna ka rajo dhigan sidii ay gacanteeda ugu soo celin lahayd deegaanada SSC gaar ahaan Laascaanood, balse dadaaladaas uma muuqdaan kuwo hirgali kara, maaddaama Biixi uu xalka u arko qori caaradiis oo qura.