Friday, September 12

(Hortabin Media) – Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya waxaa si rasmi ah loogu soo geba-gebeeyey kulan looga soo horjeedo hoggaanka Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Kulanka oo uu ka soo baxay War-murtiyeed ayaa waxaa lagu sheegay in Axmed Madoobe uu sifo sharci darro ah ku fadhiyo kursiga ugu sareeya maamulkaasi.

Waxey ka dhawaajiyeen inuu waqtigiisii rasmiga ahaa dhacay, iyagoo ku eedeeeyey in aanu rabin inuu ka dego kursiga, taas oo ay walaac ka muujiyeen.

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale tilmaamay in Axmed Madoobe aanu daacad ka ahayn dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, maaddaama gobol dhan oo maamulkiisa ka mid ah ay ku sugan yihiin Al Shabaab, isla markaana isagu aanu qaadin wax tallaabo ah.

Axmed Madoobe ayaa wax ka badan 11 sano hoggaanka u haya Jubaland, waxaana lagu eedeeyaa in mudadaas aanu maamulkiisa dhaafin Kismaayo oo ah halka fariisinta u ah maamulkaasi.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version