Saturday, September 13

WARSAXAAFADEED, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane. Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta kulan la yeeshay  Saraakiisha Ciidanka Boliiska ee loo diyaariyey in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka Dugsiyada Dalka.

Wasiir Faarax iyo Taliye Sulub, ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay masuul ka yihiin bad qabka Ardayda iyo Amaanada Imtixaanka, wax ay sidoo kale fareen in ay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan.

Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyey in ay Imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaasoo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobolada Dalka. Iyada oo Amaanda imtixaanaadka laga bilaabay Gobolka Banaadir sidaas ayuu kula dardaarmay Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahadi Cumar Mumin.

Saraakiisha Ciidanka Boliiska ayaa ka shaqeynaya Amniga tan iyo markii la bilaabay qaadista Imtixaanaad midaysan ee dalka iyo Amaanda imtixaanaadka laga bilaabo 2018.

Exit mobile version