Saturday, September 13

Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka Soomaaliyeed iyo Bankiga Caalamiga IBS Bank ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wada shaqeyn oo ku wajahan sidii loo taageeri lahaa qaxootiga Soomaaliya soo maciinsaday, isla markaana daryeel buuxa ay u heli lahaayeen dadka ku barakacay gudaha dalka.

Munaasabada heshiiskan ayaa intii ay socotay lagu gorfeeyey xaaladaha adag ee ay waqtigan wajahayaan qaxootiga dalka ku sugan iyo dadka barakacayaasha ah, waxaana madasha goobjoog ka ahaa madax hay’ada qaxootiga iyo barkaacayaasha, maamulka Bankiga IBS.iyo qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Gudoomiye ku xigeenka bankiga IBS Bank Cabdirisaaq Warsame oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday sida ay u gacan qabteen qaar ka mid ah Qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan gudaha dalka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo barakacayaasha Safiyo Xasan Maxamed ayaa carabka ku dhufatay in keliya aan la isku haleyn taageerada deeq bixiyayaasha, iyadoo taa badalkeedana ku baaqday in bulshadu ay u midoobeen sidii ay u taageeri lahaayeen dadka nugul.

Sanadihii ugu danbeeyey waxaa gudaha dalka soo beegsaday Qaxooti badan oo ka kala yimid dalalka Yamen, Syria, iyo wadamo kale, kuwaas oo ay xaaladoodu nololeed liidato, waxaana intaasi sii dheer iyadoo dalka ay ku barakaceen kumanaan Soomaali ah, oo iyaguna qaabilaya maalmo adag.

Exit mobile version