Saturday, September 13

Waxaa Magaalada Baydhaba lagu soo gabagabeeyay shir kor loogu qaadayay tayada garsoorka ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo tababarro loogu sameeyaynay xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha degmooyinka Koonfur Galbeed.

Tabarkan loo furay xubnahan iyo guud ahaan dib u habeynta hay’adda garsoorka ayaa imanaya iyadoo dhamaadkii sanadkii hore la kala diray garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyeesha maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkii ugu danbeeyey tabasho aad u ballaaran laga muujinayey garsoorka Soomaaliya, kaas oo ay bulshadu ku eedeyneysay caddaalad darro.

Natiijooyinka wanaagsan ee ka so baxa shirarka la xiriira arrimaha garsoorka ayaa muhiimad weyn u leh shacabka Soomaaliyeed, oo in muddo ah daneynaya garsoor cadli ah, oo aan la ahayn eex, kana fog laaluush qaadashada.

Exit mobile version