Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Waxaa Magaalada Baydhabo oo uu iminka ku shaqeeyo maamulka Koonfur Galbeed ka billawday kulamo looga arrinsanayo sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka Soomaaliya, kaas oo muddo dheer qabyo ah.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen Madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta Barlamanka Soomaaliya ku matasha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa la isaga xog wareysanayaa sidii ay Koonfur Galbeed kaalinteeda uga qaadan lahayd dhameystirka dastuurka, oo ah heshiis bulsho, kaas oo maamul walba laga rabo inuu soo turxaan bixiyo.

Lafta-gareen oo ka hadlay Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in waqtigan la joogo goortii la dhameystiri lahaa, si xal loogu helo khilaafaadka dowliga ah.

Dhameystirka Dastuurka ayaa waqtigan si toos ah u saameynaya nidaamka dowladnimo ee ay Soomaaliya u guurtay, kaas oo lagama maarmaan ka dhigaya in la helo Dastuur dhameystiran, maaddaama dalka gabi ahaanba uu ka guurayo nidaamkii hore, isla markaana xilka Ra’iisul wasaaraha la laalayo, laguna baddelayo Madaxweyne ku xigeen, sidii ku cadeyd heshiis ay kal hore gaareen golaha wadatashiga qaran.

Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale isla lafa guri doona, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo sidii howlgalkaasi uu uga billaaban lahaa deegaanada Koonfur Galbeed.

Exit mobile version