Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Qatar ka wada kulamo uu la yeelanayo madaxda dalkaasi, iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan Qatar
Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay Hoggaanka Rugta Ganacsiga Qatar iyo Ururka Ganacsatada Qatar, isagoo kala hadlay fursadaha ka jira Soomaaliya, iyo kaalinta ay Qatar ka qaadan karto.
Xasan Sheekh ayaa madaxda uu la kulmay, u iftiimiyey doorka maalgashi ee ka bannaan dalka, isagoo si gaar ah ugu taabtay fursada dhanka beeraha ee uu baahan ka faa’iideysiga, taas oo ay Soomaalida badankoda ka jiifaan.
Ganacsatadii ka soo jeeday Qatar ee Madaxweynaha la kulmay, ayaa ka mahad celiyey xogta ballaaran ee uu siiyey, waxaana macquul ah in dhawaan ganacsato ka socota dalkaasi ay soo gaaraan dalka si ay maalgashi u sameeyaan.
Sidoo kale Xasan Sheekh, ayaa shalay la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaas oo tababar u jooga Qatar, wuxuuna ku dhiira geliyey, howlaha ay wadaan, isagoo ugu baaqay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan askarta kale ee aan fursadan helin.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo xooggan la yeesho, jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Qatar, kuwaas oo uu u sharxi doono halku uu marayo dagaalka Al Shabaab, iyo kaalinta dhaqaale ee ay ka ciyaari karaan.