Saturday, September 13

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa halkaasi kufsi loogu geystay gabar yar oo 13-jir ah, oo ka mid ahayd qoysaska barakacayaasha.

Aqalka qoyska gabadha oo ku yaalla xero Barakac, ayaa waxaa ka afduubtay rag ku labisan dareyska ciidamada Puntland, waxaana kufsi wadareed ay u geysteen gabadha.

Hooyada dhashay gabadha dhibanaha ah ayaa warbaahinta u sheegtay in qaab xoog ah ay u kaxeysteen gabadha, taas oo oogadeed laga dheehan karo nabaro ay ku dhufteen ragii kufsaday.

Hooyada ayaa sheegtay in waqtigu uu ahaa abaare 9-saac habeenimo, waxaana ay hay’adaha amniga Puntland u dirtay fariin ah, in ay gacanta ku soo dhigaan raggii ka danbeeyey falkan.

Falkan ayaa dhacay axadii aynu ka soo gudubnay, waana mid qeyb ka ah tacadiyada kala duwan ee ay la kulmaan haweenka, kuwaas oo dhiibaatooyin fara badan loogu geysto gudaha Soomaaliya.

Exit mobile version