Inkastoo Garoonka kubadda cagta ee Cadaado ay harreeyeen cadceed kulul iyo boor ay kicisay dabeysha, haddana waxaa garoonka soo buux dhaafiyay dadweyne aad u fara badan oo ku qeylinayay halku dhigyo, waxaana ay hawada u lulayeen funaanadaha kooxahooda. Markii ay kooxuhu ka soo baxeen qolka labiska ee garoonka, dadweynihii ayaa si aan caadi aheyn u mashxaradeeyay.
Kubadda cagta ayaa u muuqata in ay madadaalo u noqotay malaayiin qof oo ku nool caalamka balse magaalada Cadaado, waxay ka ciyaartaa door weyn, taas oo ah ka takhalusidda xagjirnimada dhalinyarada iyo kor u qaadida wada noolaanshaha bulshooyinka is haya.
Dhowaan ayay aheyd markii in ka badan toban kooxood ay isugu soo baxeen dhammaan tobanka degmo ee uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Galmudug si ay ugu tartamaan horyaalka u matali doona heer qaran.
Si kastaba ha ahaatee, mowduuca gundhigga u ah tartankan horyaalka ayaa weli ah doorka dhallinyaradu ku leeyihiin dib u dhiska dalkooda iyaga oo iska diidaya soo jiidashada ama dalabyada uga imaada kooxaha hubeysan sida Al Shabaab iyo Daacish.
Ciyaarida kubadda ayaa waxaa mamnuucday Kooxda Al Shabaab tan iyo 2006-dii markii maamulkooda uu ka hirgelisay inta badan Gobolada dalka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, xaaladda ayaa is beddeshay iyada oo dowladdu ay xorreysay gobollo badan oo ay horay gacanta ugu haysay Al Shabaab.
Magaalada Cadaado, Kubadda Cagta ayaa noqotay xalka cusub ee dib loogu riixayo xagjireynta dhalinyarada ku nool Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana taasi ay keentay in dhalinyarada ay ka hortagaan in kooxaha hubeysan ay qortaan.
Dhanka garoonka kubadda cagta, koox haween ah oo ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka oo aad u qurux badan, isla markaana tumayay durbaano dhaqameed lagu laray heeso Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay muhiimadda ay leedahay nabad ku wada noolaanshaha qabaa’ilka kala duwan iyadoo ay barbar socdaan dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo fekerka xagjirnimada.
Guddoomiyaha Isboortiga Galmudug Xasan Shire Axmed Cali Kaniif ayaa sheegay in kubadda cagtu ay door weyn ka qaadatay dabar goynta fekerada guran saddexdii sano ee ugu dambeysay.
“Tan iyo markii aan bilownay in dhalinyaradeenna ay ka qeyb qaataan kubada cagta, wax aad u yar ayaa ku biiray Al Shabab, saddexdii sano ee la soo dhaafay lama sheegin hal dhalinyaro ah oo ku biiray kooxda xagjirka ah,” ayuu yiri.
Xasan ayaa xusay in kooxaha kubbadda cagta ee gobollada dhexe ee Soomaaliya aysan keliya ahayn kuwa hormuudka ka ah la dagaallanka xagjirnimada, balse ay soo bandhigeen dakhli cusub.
Ciyaarta kubadda cagta hadda waa shaqo ama xirfad u noqotay dhallinyaro badan kuwaasi oo u ciyaara kooxaha kala duwan ee Gobollada iyo kuwa heer qaran,” ayuu raaciyay.
Shire, ayaa sheegay in dhalinyarada qaarkood ay noqdeen macalimiin xirfad leh, waxaana ay kooxo kala duwan ku tababarayaan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Xuseen Cali Sahal oo ah Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Cadaado ayaa sheegay in sidoo kale kubadda cagta ay qeyb weyn ka qaadaneyso dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Maamulka Galmudug.
“Ujeedka ugu weyn ee aan u bilownay kubadda cagta waxa uu ahaa in aan joojino in dhallinyaradeenna lagu marin habaabiyo fikradaha khatarta ah ee ay faafinayaan kooxaha mintidiinta ah sida Al-shabaab, balse markii aan sii soconnay waxaan ogaanay in kubadda cagtu ay sidoo kale qayb ka qaadanayso dib-u-heshiisiinta bulshooyinkeenna oo xoogaa is-faham la’aan soo kala dhexgashay,” ayuu yiri Cali.
Yaxya Shantax oo ah maamulaha garoonka Golden Football oo ka mid ah goobaha ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee magaalada Cadaado ayaa xusay in ciyaartan quruxda badan ay aad u soo jiidatay dhalinyarada deegaanka, sidaasi darteedna ay ka gaashaanteen dhaqamada ka dhanka ah bulshada.
Cigaal Maxamuud Nuurre oo ah macalinkii hore ee kooxda degmada Cadaado ayaa sheegay in haatan ay ka diiwaan gashan yihiin wasaarada ciyaaraha deegaanka 7 kooxood oo kubada cagta ah.
Garoonka guud ee magaalada Cadaado oo la dhisay 1970-meeyadii, ayaa lacag dhan $145,500 waxaa sanadkii 2019 ku dayactiray Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay gacan uga geysato la dagaallanka xagjireynta dhalinyarada gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa Turjumay Cabdirisaaq Maxamuud Tuuryare