Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta (International Energy Agency) loona soo gaabiyo IEA ayaa sheegtay in baahi Koronto ay ka jirto Dalalka Koofur Afrika, Senegal iyo Kenya sida ay muujiyaan warbixinno xog-baaris ah oo hay’addu samaysay.
Baahida Koronto ee dalalkaan waxa ay gaartay 5.2% sanadkii tagay 2025 waxaana la saadaalinayaa in tiradu intaas ay ka badato sanadkaan marka laga eego qiimaynta dhinaca tamarta Korontada sida hadalka loo dhigay.
Dowladaha Koofur Afrika, Senegal iyo Kenya ayaa dhaqaale xooggan u qorsheeya sidii ay koronto awood leh u heli lahaayeen balse dedaalladaas ma daboolin baahida dhinaca tamarka Korontada ah ee jirta sida xogtaan lagu muujiyay.
Horumarka Warshadaha waa tallaabo kale oo muhiim ah balse dayactirka Shabakadaha Korontada waa xujada kahortaagan dhinaca ciribtirka baahida Koronto ee dalalkaas, waxaana Dowladahaan laga doonayaa in ay dedaal badan geliyaan arrintaan.
