Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad rakaab ah, oo saarnaa gaari ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo.
Maleeshiyaadkan hubeysan ayaa dilay 5 qof oo gaariga saarnaa, kuwaas oo labbo ka mid ah ay ahaayeen haween.
Falkan ayaa sida wararku sheegayaan salka ku hayo arrimo la xiriira aanno qabiil, waxaana ka dhashay cabsi hor leh oo la soo gudboonaatay dadka ku nool bartamaha Soomaaliya.
Maamulka Galmudug oo falkan ka war helay ayaa sheegay in ay ku daba jiraan raggii gaystay, kuwaas oo caddaalada la horkeeni doono.