Monday, September 15

Siyaasyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa madaxda maamulladaasi ugu baaqay in ay billaaban gulufka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxda Maamulladan ayaa lagu booriyey in ay abaabulaan bulshada, isla markaana ay ku dhaqaaqaan dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab ee dalka ka socda.

Siyaasiyiinta hadlay ayaa madaxda maamulladaasi u sheegay in aanay curyaamin bulshada, isla markaana ay isku howlaan sidii ay Al Shabaab uga saari lahaayeen deegaanadooda.

Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa qeyb ka ah meelaha ugu badan ee ay Al Shabaab ku sugan yihiin, waxaana deegaanada maamulladaasi hoostaga ay ka geystaan weeraro kala duwan, oo isugu jira qaraxyo iyo dilal toos ah.

Exit mobile version