Madaxtooyada daka Koonfur Afrika ayaa si adag isaga fogeysay eedeyn uu u usoo jeediyay safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya dalkaasi Reuben E Brigety kaas oo ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika in ay shixnad hub ah siiyay dalka Ruushka, hubkaasi oo uu sheegay in Ruushku u isticmaalay dagaalka Ukrain.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay hadalka kasoo yeeray safiirka uu yahay mid lagu deg degay isla markaana khatar gelinaya xiriirka iskaashi iyo midka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay labada dal.
Qoraalka ayaa dhanka kale lagu sheegay in dowladda Koonfur Afrika ay billaabi doonto baaritaan rasmi ah oo looga gun gaari doono eedeynta loo soo jeediyay.
Koonfur Afrika ayaa horay u cadeysay mowqifkeeda ku aadan dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukrain iyadoo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay.